Suurad 102 · Makki · 8 Aayadaha
Suurad At-Takaathur
Isku-faanidda
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
-
1
أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
Al haaku mut takathur
Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),
-
2
حَتَّىٰ زُرْتُمُ ٱلْمَقَابِرَ
Hatta zurtumul-maqaabir
Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
-
3
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Kalla sawfa ta'lamoon
Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.
-
4
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
Thumma kalla sawfa ta'lamoon
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).
-
5
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ ٱلْيَقِينِ
Kalla law ta'lamoona 'ilmal yaqeen
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).
-
6
لَتَرَوُنَّ ٱلْجَحِيمَ
Latara-wun nal jaheem
Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,
-
7
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ ٱلْيَقِينِ
Thumma latara wunnaha 'ainal yaqeen
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.
-
8
ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
Thumma latus alunna yauma-izin 'anin na'eem
Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.
Carabi: qoraalka Cuthmaani ee Tanzil. Turjumaadaha iyo codadka waxaa laga helaa adeegyada bilaashka ah ee Al Quran Cloud / Islamic Network. Tafsiirka waxaa laga helaa Tafsir API furan.